wacan oo wanaagsan dhamaan tiin waxaan idinku soo dhawaynayaa bogan aan u furay Jacaylkii dhex maray cawrala iyo calimaax sheekadan waxaa qoray alla ha u naxariistee qoraagii weynaa ee Faarax Maxamed Jaamac Cawl (Faarax Cadde) qoraa buuga ay sheekadan ku qorayd waxaa la oran jiray Aqoon daro waa u nacab jacayl ama isagoo ingiriisi ah (Ignorance is the Enemy of Love) sheekadan waxay ka mid tahay sheekooyinka jacayalka ee ugu waa weyn ee ka dhacay somaliya aad iyo aadkan u caan baxay calimaax wuxuu u dhashay gobolka Sanaag Garaa ahaan sanaag bari, sida laasqoray iyo nawaaxigeeda Cawarala bulxan oo ah gabadhii jecaltay nin kan waxay u dhalwatay Gobolka sanaag gar ahaan dhanka galbeedka sida magaloyinka Xiis iyo maydh oo ku yaal xeebah aka shisheeya laasqoray sheekadan sidaan ku maqlay waxaay xiiso u sii yeelatay oo uga fiicanatay kuwii kale ee jacaylka ahaa ee ka dhacay somaliya calimaax markay gabadhu jecalaatay wuxuu lahaa xaas iyo caruur markaa sidaan sheekada ku maqlay calimaax waxba ma akhrin jiran waxban ma qori jirin markaa gabadhan markay jecalatay waraaqdiiugu horaysay ee ay u so dirto oo aan hoos idiin ku soo qori doono siday u soo qortay baa la yiri baa cali loo keenay oo waxaan filayaa waraaqduna in ay ku qoray carabi oo waagaas ma jirin luuqadan somaliga ah ee qoraka ah carabi iyo ingiriisi baa wax lagu qori jiray markaa waraaqdii markii loo keenay buu cali garan wayey waxa ku qoran iyo meel ay ka timid markaa wuxuu u la tegay sodogii oo uu gabadhiisa qabo oo yiri xaaji bal waraaqdan ii akhri markaa buu wadad ki firiyey mise yarabii nin ka kabadha ka qabab gabadh baa u dhimanaysa oo jecel markaa wuu ka xishooday in uu u sheego waxa ku qoran waraaqda wuxuu yiri cali walaha ma garanayo fartane bal waxaad u geysaa hebel oo ah wiil uu dhalay isagaa iga fiican qoralkane wayahay buu yiri makaa weli cali ma fahmin waxaa laysugu riix riixayo wiilkii buu u tegay wuxuu yiri ii khri waraaqdan wiilkii baa ka qaday wuu akhriyey markaas buu arkay wixii odaygu arkay oo kale wuxuu ku yiri cali waraaqda cid kale ma tustay haa buu yiri oo aabahaa baan soo tusay wuxuuna i yiri waxa meesha ku qoran ma fahmayee adiga u gay markaas buu yiri wax meesha ku qora waa sida naagtaas oo kujecel baa ku soo dirtay calimaax maalintaa wixii ka danbeeyey wuxuu go aan ku gaaray in aanu dib oo dabadeed qof waraaq ii khiri ku oran ee uu isagu akhristo wuxuuna bilaabay iskuul markaa kii danbena isagaa noqoday nin aqoon leh hadaba aan sheekadii bilowno
maxamed c/laahi cali Tiriig wixii qalad ah ee aad ku aragtaan fadlan iigu so sheega Badhan6@hotmail.com ama hadaad wax ka hayso sheekadan ila soo wadaag waad mahadsantahay.
waxaa sheekada soo qoray oo mahad uga celinayaa GARAAD
jacaylku wuxu ka bilaabmay doon ay ka soo raaceen magalada cadan e wadanka yaman halkaas oo uu cali ku cawiyey cawrala markii danbena doontu la cadilan tay oo uu cali bad baadiyey cawrala markaa waraaqdii ay u soo dirtay oo ugu sheegaysay qofkay tahay iyo jacayalkeedu siduu u bilaabmay waatan ee firi iyo gabaydii habeenkaa dhacayey iyo ku way soo qortay.
Warqaddii ay u qortey Cali Maax
Gacaliye Calimaax,
Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane,
Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne,
Dabadeed aan kala Jiidanne?e, mar ila soo joogso.
Calimaax, waxaad iga guddoontaa salaan kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day. Waxaad kaloo iga guddoontaa mahad weyn iyo salaan uurka ka soo baxday. Intaas waxaa ii raaca inaan warqaddan qoriddeeda bilaabay saddex jeer oo haddana saddexdiiha jeexjeexay, ilaa ay ugu dambaystii iga soo go’day inaan illawba ilaa kuu soo diro tanoo ah tii afraad oo jeexjeexiddii ka nabad gashay.
Ka maaggiddaas aan ka maagmaagay warqaaddana, waxaa iigu wacan welwel iyo walaac iyo waxaani garaflwaay oo ila soo dersey ilaa maalintii aragtideennu kow isu ahayd, ee ishaydu kugu dhacday laabtayduna ku raacday, oo ay isla mar ahaantii nafsaddaydu ku doontay.
Haddaba, ugu horraystii waxaan jeclahay inaan kaa is xusuusiyo waa intaasoo aad i illawsantahaye inaan ahay gabartaad huuriga ka soo wada raacdeen dekedda Cadmeed oo markii doonnida la soo koraayey aad gacanteed midig ku taageertay taada midig, dabadeedna doonnida soo wada raacdeen.
Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay,
Waxaan ahay middaad caawintood, cudud ku taageertay,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.
Waxaan ahay mid habeenkii kowaad oo ay doonnidu gutiraha ahayd dhegaysanaysay haasaawahaagii iyo gabayadaadii macaanaa murtidana lahaa, ee adiga iyo odaygii Nuur Ciise la lahaa idin dhex maray, khaas ahaanna dheg ulahayd xifaalayntaadii ku saabsanayd habkiyo hannaankay reer miyigu kula dhaqmaan hablahay gursadaan iyo murwooyinkey qabaan.
War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey,
Waxaan ahay codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye
Habeenkii labaad ee baddu kacday oo roobkii mahiiggaanka ahaa ee onkodka, hillaaca, iyo hanqarka badnaa da? ay doonnidiina degtay, waxaan ahay tii kuu baaqday oo aad gacaan qabatay iyadoo baaxaa degaysa dhawr jeerna hafatay.
Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa,
Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaa ye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,
Waxaan ahay mid abaal iyo mahad weyn oo aan la koobi karayn uurka iyo laabta kuugu haysa, biimahaad ka badbaadisay adoo dusha ku sidey muddo aan toddoba iyo toban saacadood ka yarayn, aadanna ka daalin sidneedkeedii ilaa aad berriga nabadgeliyo keentay inkastoo hambabarooyinkii iyo libaaxi badeed ma sigeen dhowr jeer.
Waxaan ahay cirkoo horay, iyo caadka oo kale?e,
Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira,
Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihi doognaaye,
Waxaan ahay car foon iyo udgoon, iyo cadarki Baariye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.
Waxaan ahay haddi runtii lagu arooro, Cawrala Barre oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedi ku raaceen aragtideedii u horraysey, oo aad shaki la?aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay, aadanse adigu ogeyn iyaduse had iyo jeer, habeen iyo dharaar, hurdiyo soojee kugu hammiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood, oon iyo anfaco diiddey.
Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede,
Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihi dayrsheene,
Waxaan ahay mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaa ye,
Ugu dambaystii waxaan ku soo gabagabaynayaa warqaaddaydan oo intaas ii weheliya Calimaaxow, dayax buuxa nuurkiisa lahaayow, mangaloot uduggiisa lahaa yow, waqayga Caleed iyo waadhida Hawdow, waago beryaaya wajiigiisa lahaayow, mayey hooray hanqarkiisa iyo hillaaciisa sansaanshow, balanbalkoo dildillaaciyo mnidadbka balanbaalista lahaayow, markii aan saxariray saacii i qabtow, Soomaaliyi quruxdeeda sinji bay ula lahayde sunnaari la moodyow, sed bursiimo lahaayow, inaadan marnaba arrinkan aan kuu soo qoray yaraysan, ee aad si degdeg ah war iigu soo celisaa ama aad i soo gaartaa aan aniguna raaxada adduun maqsuude adiguna aad muutsatee macaankii iyo roonaantii ay murwo u roonaan jirtey mudanaheeda.
Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo,
Cishihii haddaan sarar cusbaale, kugu cashaysiiyo,
Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duu go,
Asaadan caloosha igu hayn, Caliyow yeelkaaye.
Waxaa iga dardaaran ah, haddaanan war buuxa ciyeen kaa helin inaad adigu wixii kalgacalkaagu i gaarsiiyo masuul ka tahaye bal ogow.
Ogoobey haddaan dayaxu jiriti, dirir ma nuureene,
Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene,
Ogoobey haadday diiddo, waan degel baxaayaaye,
Oo hal iga dardaarana Calow, debinta maan saaro,
War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo,
Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyne.
Waa Gacaladaa Cawrala Barre, ee deggaan
Magaalada Xiis Xarrago
gabaygii oo dhan waa kana sheekada waraaqda waxaa ku jir jira liman ay ku soo hal qabsatay ee isagoo dhan waa kan.
Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane,
Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne,
Dabadeed aan kala Jiidanne?e, mar ila soo joogso.
Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay,
Waxaan ahay middaad caawintood, cudud ku taageertay,
Waxaan ahay mid kuu cabatayo,. caashiaq dhibayaaye.
War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey,
Waxaan ahay codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye
Baddoo caratay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa,
Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaaye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,
Waxaan ahay cirkoo hooray, iyo caadka oo kale?e,
Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira,
Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihi doognaaye,
Waxaan ahay carfoon iyo udgoon, iyo cadarki Baariise,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.
Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede,
Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihi dayrsheene,
Waxaan ahay mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaaye,
Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo,
Cishihii haddaan sarar cusba leh, kugu cashaysiiyo,
Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duu go,
Asaadan caloosha igu hayn, Caligaan calmadow yeelkaaye.
Ogoobey haddaan dayaxu jirin, dirir ma nuureene,
Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene,
Ogoobey haddaad diiddo, waan degel baxaayaaye,
Oo hal iga dardaarana Caliyoow, debinta maan saaro,
War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo,
Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyne.
Markey ay Doonta Saarnaayeen
Intay Doonta saaraayeen ayaa Cawrali dumar la fadhiyey uga sheekaysay jacayl waxayna ku dhexdaraysay Calimaax markay dhulka yimaadeen ayaa saaxibadeed iyo Cawrali sheekaysteen in mudda ah markay sheekaysanayeen ayaa saaxiibadeed dareentay in Cawrala jacayl hayo markaas ayey waydiisay Cawralaay ma jacaylkaad ka sheekaynaysay markaan doonidu ku jirnay ayaa ku haya.....
Cawrali waxay ku jawaabtay
Baxsanay habeennada indha baal ma saarinoo,
Duni baadi weeyoo bilisina illowshaha,
Wa u beer nugayloo ba'a iyo baraaraha,
Baraarahay xuseeyaan anse baal ka marayoo,
Biimahaad ogayd iyo cirkoo biriq hillaaciyo,
Bartii roobka duufaan biyihii shubmaayiyo,
Dakhalkii bacramay baan baayeey ku selelaa,
Bisin alla bir weeyaan sow bilow ma taabinoo,
Eebbe ima ballaysiin anoo baaxa degayoo
Bes ah oo hafanayoo bixi layd naftaydii,
Baaqaan hayeeey iri sow Cali-badmaaxoo,
Birrigii imuu gayn baari iima qabanoo,
Berrigii imuu gayn naftaan qaaddir bixinayn,
Ogow wey badbaaddaa
Waa baab jacayloo baarax uma ledaayoo
Baddaasaad arkaysoo buuraha la moodoo,
Badraankii libaax iyo hambabarada booddiyo,
Bahaluhu ka buuxaan way bila dayahoo
Buruudkii Badmaaxiyo nuur layga biliyaa,
Waa boog jacayloo bukaankii la yaab ma leh,
Beerkiyo wadnaha iyo bogguu hoy ku leeyahay,
Waa baab jacayloo Billaawihii afaystoo,
Bedenkayga degayoo igu beeray boholyow,
Waa baab jacayloo waxa ii bogsiina ah
Ama ii bushaara ah oo ii baraara ah,
Ama ii barwaaqa ah baanashada haweenoo,
Badmaax-aan hantaayoo berri aannu kulanoo,
Beryasamo ku waarraa!!.
Gabayaddii ay isu tiriyeen nimankii doonta saarnaa
Reer magaalku wuxuu yiri oo calimaax ah
Wallee daacuflow reer miyaan, doocna garanaynin,
Dab la shiday aroortii hadduu, daamanka is dhaafsho,
Doqonnino waa wuxuu cadkiis, doc uga muujaaye,
Haddii doog ilaah shubo, oo duni barwaaqowdo,
Oo doobi caanaha riyaha, looga dalaf siiyo,
Oo rodol uu doondoon ku helay, uga danbaysiiyo,
Isagiyo duqdiisii markaas, dawlad la is moodye,
Damdamtiyo hangoolkii ma jiroo, diriri maayaane,
Maantaas ninkii dan u lahow, daaso hada1kaaga.
Reer miygiina wuxuu ku jwaabay
Dunnunucaay kolkuu qahwaha, debinta saaraayo,
Duuf lulaaye goortuu kaalluun, labada daan buuxsho,
Dayn qaate meeshii nin ragi, debec ka maalaayo,
Duryan xume markuu deego buu, dunida hiifaaye
Diintiyo wuxuu caayayaa, daayin ilaahiise,
Dacwad aan la garanayn iyo, dafashya baas sheegte,
Dood iyo dagaaal baa nin raga, lagu daryeelaaye,
Deeqdana haddii loogu ladho derejo wee yaan,
Wax dawddara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga.
Gabaygaan waxay Cawrala tirisay markii Aabaheed yiri waxaan ku siiyey nin Xoolo iyo maal badan leh......
Cawrala waxay tiri
Maalqabeenka geeliisa ramag, madar ku maalaaya,
Oo muluggii adduunyada qaboo, midigta loo saaray,
Nim micnaha dumar yaqaan, yey maskaba dhaama,
Magalooti jaahila, oo haddana madax taagaaya,
Oo haddii muran idin dhex maro, meel ku jebinaaya,
Ninki biri magaydada yaqaan, yey maskabi dhaama,
Maangaab aan aqoon iyo lahayn, madadka haasaawe,
Oo mugdi ha been gudahayoo, marin habaabaaya,
Oo aan maraaciga haween, iyo muxibadood haynnin,
Oo aan milgiyo maansa gabay, mira ka sheegaynin,
Oo sida Cali waa maahire, mayey u horaynin,
Inaan meel cidla ah weey tamaa, yey maskabi dhaanta,
Muudal weeye iyo nimaan, muqdarba ahayne,
Oo magligiyo hangoolayntu, waa meheraddiisiiye,
Waa wixii makalay wiiladay, milaygii dayreede,
Murwana daryeelkeedu, waa xil iyo maamuuse,
Mar hadduu man facii hunguri, mee i oranaayo,
Inaan meerto guumays noqdaa, yey maskabi dhaanta,
Malabkiyo macaankiyo wixii, miid iyo maaheera,
Maantadaas haddi lay wacoo, la i mihiibsiiyo,
Maalaydaa dacartoon rabaa, yey maskabi dhaante,
Aabbow maqaan iyo waxaad moogtahaa badane,
Oo intaasoo masalooyinaan, maragsanaayaaye,
Haygu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiishaynin,
Haygu mehenin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,
Hay gu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,
Gabaygaan waa gabay gii uu tireyey Calimaax markii loo soo sheegay in Cawrala dhimatay Isagoo la hadlaya Faraskiisii.
Calimax wuxuu yiri..
Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,
Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow,
Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,
Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,
Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,
Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow,
Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,
Xaq laygu lahaa, iyo xus baan dhigayaa ye,
Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,
Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,
Xamarow xakama diidow, xan far duulay la moodyow,
Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,
Qalbigay xanafoonoo, xummad bey derdertee,
W/aan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,
Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go?dee,
Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow,
Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,
Xabadkaa i dakaamoo, waan xabeebsanahee,
Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,
In kastoo la xiddeeyo, aroos loo xaradheeyey,
In kas too xoola badnaa iyo, xariir loogu hagoogey,
Xirrib tii indhaygiyo, xubnahaygay ahayde,
War xiskii i dhinaayo, Xadeed weyn ku habaabee,
Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yaw,
Xawaaree orordkaagoo, Ximan jee fag ku dhaafoo,
Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,
Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa I gee,
Waan xawaal dhigayaaye. caawa Xiisa i gee,
meel xun bay ku dhamatay waxaan se rajaynayaa in ay jacaylada kale ee somaliya ka dhaca ameel fiican ku dhamaadan oo sheekadan iyo ku wii ka horeyeyba ay u noqdan tusaale sida calimiboodar iyo calimaax iyo gabadhay jacaylka wada galeenba waxaan idin kaaga tegayaa isjeclaada lakiin jacaylkiinu ha hado mid midho keena waa maxamed oo idin leh nabadeey waxaan mahad u naqayaa dhamaan dadka sheekadan akhrista kuna qata cashaqar waxaan mahad kale u naqayaa ninka sheekadan soo qoray waa Garaad magaciisa intaa baan ka aqaan nabadeey. badhan6@hotmail.com